Xukuumadda UK ayaa sheegtay in wixii loo gaaro 19-ka bishan Maarso aysan dalkeeda soo geli karin dadka ka imaanaya Soomaaliya ama safarka ku sii maray 10-kii cisho ee ugu dambeeyey sababo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19.
Sidoo kalena muwaadiniinta Ingiriiska iyo Ireland iyo muwaadiniinta kale ee haysta degenaanshaha UK ee imaanaya England kana imaanaya Soomaliya ayaa looga baahnaan doonaan in ay huteellada isku karantiilaan isla markaana ay iska bixiyaan kharashka.
UK ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka heysta dhalashada dalkaas ee ku sugan Soomaaliya inay taxaddaraan.
Dalka Soomaaliya ayaa cudurka Covid 19 uu ku soo labakacleeyay iyadoo dad badan ay ugu dhinteen dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.
Faallo ka bixi