Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo aan heshiis laga gaarin.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac diirada lagu saaray dadaalada Beesha Caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17-kii September 2020 ee Muqdisho iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo.
Madaxweyne Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, xili weli uusan Caasimaadda soo gaarin Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoona degan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana sidoo kale Magaalada jooga Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii uu u qabsoomida lahaa Shir la filayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku yeeshaan Teendhada Afisyooni, kaasi oo lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Faallo ka bixi