Dhagaysiga dacwada badda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay goordhow xarunta maxkamada caddaalada adduunka.
Dacwadan oo hore dhowr jeer dib loogu dhigey codsi ka yimid dowlada Kenya ayaa ugu dambeyntii goordhow bilaabatay iyadoo ra’iisul wasaare ku xigenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenada u doodaya Soomaaliya ay hadalo ka jeediyeen.
Dowlada Kenya ayaa diiday inay ka qeybgasho dhagaysiga dacwadan hase yeeshee Maxkamada ayaa go’aan ku gaartay inay sii wado dacwada maadaama dowlada Soomaaliya diyaar u tahay inay furto dacwadeeda.
Faallo ka bixi