Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir muhiim ah oo looga arrinsanayo doorashada dalka.

Monday March 22, 2021 - 10:13:13
0 Faallo
785
Super Admin
Madaxda JFS iyo MG
Madaxda JFS iyo MG
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir muhiim ah oo looga arrinsanayo doorashada dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir muhiim ah oo looga arrinsanayo doorashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhaweyd gaadhay halka uu shirka ka dhacao ee teendhada Afisyooni ee ciidamada cirka.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa imika dhammaantood ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubland ayaa tan iyo intii ay Muqdisho yimaadeen waxay ku sugnaayeen oo ay daganaayeen xerada Xalane.

 

Waxaa labada madaxwayne Dani iyo madaxwayne Axmed Madoobe labadaba la socday ciidamada gaarka ah ee ammaankooda ilaaliya.

 

Beesha caalamka ayaa waxa ay taageereen shirka uu ku baaqay madaxwayne Farmaajo ee maanta

 

Bayaanka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliya ay haatan doonayaan in la qabto doorashada.

 

Mareykanka wuxuu madaxda maamul goboleedyada 'ku amray in Muqdisho ay ku sugnaadaan tan iyo inta laga heshiinayo hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

 


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Update cookies preferences