Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku shirsan Teendhada Afisyooni.
Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku shirsan Teendhada Afisyooni.
Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin maanta ayaa ah kulankii labaad ee ay ee looga hadlayo doorashada dalka ee ka dhaca Muqdisho gaar ahaanna xerada ciidamada cirka ee Afisyooni.
Warar ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in warbixin looga dhagaysan doono Taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Xijaar,uuna ku soo bandhigo shaxda Amniga Doorashooyinka.
Dhinaca kale waxa socota waan-waan ala doonayo in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay shirkaasi ku biiraan.
Faallo ka bixi