Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Wasiir Janan oo la heshiiyey Dowladda Federaalka.

Tuesday March 23, 2021 - 11:32:21
0 Faallo
1055
Super Admin
Wasiir Janan
Wasiir Janan
Talaabadan oo ku soo beegmaysa xilli uu Muqdisho ka socda shirka wadatashiga doorashada ayaa jiho cusub u furaysa geedi socodka siyaasadda dalka, sida ay qabaan xeel-dheerayaasha siyaasadda oo arrintan kaga falanqoonaya baraha bulshada ku xidhiidho.

Sida ay ay Awdal.net u xaqiijiyeen saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo maalmahan wada-hadal u socday isaga iyo dowladda ayaa lagu guuleystay.

 

Wasiir Janan oo wata ciidamo ayaa saacadaha soo socda tegeya degmada Baladxaawo halkaasi oo uu si rasmi ah ugu biirayo ciidamada Gorgor ee dowladda eek u sugan gobolka Gedo.

 

Talaabadan oo ku soo beegmaysa xilli uu Muqdisho ka socda shirka wadatashiga doorashada ayaa jiho cusub u furaysa geedi socodka siyaasadda dalka, sida ay qabaan xeel-dheerayaasha siyaasadda oo arrintan kaga falanqoonaya baraha bulshada ku xidhiidho.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Update cookies preferences