Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Puntland oo cambaarayn kala kulantay shacab ay ku cabudhisay Dhahar.

Thursday March 25, 2021 - 16:37:12
0 Faallo
1239
Super Admin
Mudahaarad Dhahar ka dhacay
Mudahaarad Dhahar ka dhacay
Mas'uuliyiin kala duwan ayaa sidoo kale Puntland ku cambaareyeey ficilkan oo lagu tilmaamay mid ka dhan ah dastuurka dalka iyo xorriyadtu qowlka.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa rasaas nool shalay ku furay dadweyne si nabdoon bannaanbax ay ku taageerayeen jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ka dhigay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

 

Muuqaallo la soo duubay oo si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ayaa laga arkayey dadweyne leh dad waayeel ah oo lagu ridayo hubka waa weyn.

 

Dowladda Federaalka ayaa si adag u cambaaraysay dhacdada Dhahar kuna tilmaantay cabudhin shacab.

 

Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay ku baaqayso in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed. Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

 

Mid kamid ah muuqaallada debed-baxa 

https://www.facebook.com/sharer/sharer.php?u=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fwatch%2F%3Fv%3D145531887379520

Faallo ka bixi

Update cookies preferences