Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Atalanta – Zidane Oo Difaaca Awoodda Saaray & Laacibka Buuxiyey Booskii Casemiro

Tuesday March 16, 2021 - 22:40:17
0 Faallo
1201
Super Admin
Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano kusoo dhoweynaysa kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta oo lugtii hore ay kaga soo badisay 1-0.
Zinedine Zidane ayaa kusoo galay shax adag oo uu awoodda saaray khadka difaaca iyadoo uu ganaax kaga maqan yahay kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro, waxaana boosbkiisa beddelay Fede Valverde oo khadka dhexe kusoo bilowday.

Sergio Ramos iyo Karim Benzema oo ciyaartii hore dhaawacyo kaga maqnaa ayaa kusoo bilowday.

Difaaca ayay kusoo bilowdeen Sergio Ramos, Nacho Fernandez, Ferland Mendy iyo Raphael Varane, waxaana garabka weerarka ee  dhinaca midig tegay Lucas Vazquez oo ka garab ciyaaraya Karim Benzema iyo Vinicius Junior.

Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Luka Modric, Toni Kroos iyo Fede Valverde, halka kaydka ay ku jiraan Casemiro, Isco, Rodrygo Goes iyo Marco Asensio.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Vazquez, Nacho, Varane, Ramos, Mendy, Valverde, Kroos, Modric, Vinicius, Benzema.

Atalanta starting XI (TBC): Sportiello; Toloi, Romero, Djimsiti; Maehle, de Roon, Pessina, Gosens; Illcic, Malinovskiy, 

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Update cookies preferences