Mogadishu - Somalia
Friday, March 14, 2025

DFS oo Imaaraadka ka hor istaagtay in ay la wareegto Dekedda Garacad

Sunday April 04, 2021 - 10:43:03
0 Faallo
980
Super Admin
Dekedda Garacad
Dekedda Garacad
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor istaagtay Imaaraadka Carabta in ay la wareegaan Dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in diyaarad sidday wefti Imaaraad ah ay ka joojisay magaalada Garacad ee gobolka Mudug.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Dowladda Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar oo dadweynaha kula hadlayey Bar-kulanka Club House ayaa caddeeyey in dowladdu ka hor tagtay diyaaradda oo ay iyadu joojisay.

Maamulka Puntland oo hore ugu wareejiyey Dekadda iyo Garoonka magaalada Boosaaso Imaaraadka carabta ayaa imminka damacsan in Dekedda Garacad oo ah marso ay si iskutashi ah ku dhisanayaan Bulshada Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Imaaraadka oo hore wax uga qaban waayey una hagraday Dekedda Boosaaso oo hadda qarka u saaran in ay is xirto.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Puntland ayaa si adag uga falceliyey damaca xukuumadda Deni ay ku doonayso in Dekedda Garacad ay ugu gacangeliso Imaaraadka Carabta, dadka deegaanka oo Is abaabuley ayaa maalmahan oo dhan ilaalinaya Garoonka waxaana dadka ay hadda ku baraarugene in ay dhulkooda ka ceshadaan Imaaraadka Macaash doonka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana garab istaag u samaysay shacabka oo markii ciidamo lagala hortagay si toos ah u amartay in diyaaradaha ay saaran yihiin Imaaraadku aysna ka degin Garcaad.



Faallo ka bixi

Update cookies preferences