Mogadishu - Somalia
Friday, March 14, 2025

Shiinaha oo tallaal uu soo saaray soo gaadhsiiyey Soomaaliya

Sunday April 11, 2021 - 18:06:39
0 Faallo
1362
Super Admin
Tallaal
Tallaal
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaadhay tallaalka cudurka karoone oo ay keentay dowladda Shiinaha
Tallaalkan oo ay soo saartay dowladda Shiinaha ayaa waxaa dowladdaas ay ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Shixnada tallaalka ay gaareysaa 200.000.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Aadan Tallaalka ugala wareegay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxiixay heshiis tallaal looga hortego Cudurka COVID-19 lagu keynayo dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19 la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Update cookies preferences