Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Gladbach – Pep Oo Qamaamuurtii Kooxdiisa Soo Safay Iyo Khadka Dhexe Oo Uu Awoodda Saaray

Tuesday March 16, 2021 - 22:32:34
0 Faallo
1237
Super Admin
Pep Guardiola ayaa shan beddel ku sameeyey shaxdii uu ku ciyaaray kulankii Premier League ee Fulham, iyadoo uu xiddigihiisa ugu waaweyn usoo safay kulanka adag ee Borussia Monchengladbach ee lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Champions League.
Manchester City ayaa lugtii hore kusoo badisay 2-0 iyadoo marti ah, waxaana uu ciyaartan usii dhigtay xiddigihiisa waaweyn Sabtidii si ay taam ahaansho iyo nasasho intaba usii helaan.

Kyle Walker, Ilkay Gundogan, Kevin de Bruyne, Riyad Mahrez iyo Phil Foden ayaa dhamaantood kusoo laabtay safka hore ee City, iyadoo kaydka loo diray Aymeric Laporte, Benjamin Mendy, Ferran Torres, Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus.

Khadka dhexe ayay mar kale awoodda uu saaray Pep Guardiola, waxaanu kusoo wada bilaabay De Bruyne, Gundogan, Rodri, Foden, Silva iyo Mahrez inkasta oo ay saddexda dambe afka hore raacsan yihiin.

Shaxda rasmiga ah ee Kulanka Manchester City vs Borussia Monchengladbach

Manchester City XI: Ederson, Walker, Dias, Stones, Cancelo, Rodri, Gundogan, De Bruyne, Mahrez, Foden, Silva.

Kaydka: Steffen, Carson, Ake, Sterling, Jesus, Aguero, Zinchenko, Laporte, Torres, Mendy, Fernandinho, Garcia.

Borussia Monchengladbach: Sommer, Lainer, Ginter, Elvedi, Bensebaini, Hofmann, Neuhaus, Zakaria, Stindl, Embolo, Thuram.

Kaydka: Sippel, Grun, Lang, Kramer, Herrmann, Wolf, Plea, Beyer, Traore, Wendt, Lazaro, Jantschke.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Waxaa kuu harsan 350 xaraf.

Update cookies preferences