Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Koobka Adduunka Oo Labadii Sannadoodba Mar La Qabanayo Iyo Isbeddellada Arsene Wenger Kusoo Kordhinayo Kubadda Cagta

Tuesday March 16, 2021 - 22:50:21
0 Faallo
935
Super Admin
Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa soo jeediyey in isbeddel lagu sameeyo guud ahaan ciyaaraha kubadda cagta, si ciyaartoydu fursad ugu helaan in tartanka Koobka Adduunka ay ku guuleystaan marar dhawr ah.
Arsene Wenger oo FIFA ay u magacowday Guddoomiyaha Horumarinta Kubadda cagta, ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay, in isbeddel lagu sameeyo kubadda cagta, gaar ahaan xilliyada  Koobka Adduunka oo afartii sannadood ba mar la qabto

Koobka Adduunka 2022 oo ka dhacay waddanka Qatar ayaa la qaban doonaa xilli ka duwan waqtigii hore ee ahaa badhtamaha sannadka, waxaanay taasi saamayn ku yeelan doontaa horyaallada oo iyagoo socda fasax la gelin doono.

Arsene Wenger oo ka hadlayay telefishanka beIN SPORTS ayaa yidhi: "Haddii aad eegto celceliska ciyaartoyda ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, waxay da’doodu noqonaysaa 27/28. Sababta afartii sannadood ba mar looga dhigay Koobka Adduunku waa taas iyo in ay helaan fursado ay ugu guuleystaan marar kala duwan, sababtoo ah, marka labaad ee ay ku noqdaan, waxay da’doodu noqonaysaa 32/33.”

Intaas kaddib ayuu Arsene Wenger sharraxay isbeddelka ay tahay in lagu sameeyo Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: "Sababtaas darteed, waxa suurtogal ah in Koobka Adduunka aanu ka dhigto in labadii sannadoodba hal mar la qabto.

"Inta kale oo dhan waa in meesha laga saaro. Kaliya loo abaabulo tartamada si macno leh, saaxaddana laga saaro ciyaaraha kale ee garab socda. Dadku waa in ay fahmaan waxa ay ku kacayso iyo muhiimadda ciyaaraha.”

Xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA ayaa isbeddelka uu Arsene Wenger ka yeelan doona kulan, kaas oo kaliya haddii la ansixiyo la meel marin doono.


Faallo ka bixi

Update cookies preferences