Xiriirka Ankara iyo Riyadh ayaa gaaray meel xun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi sanadkii 2018 loogu geystay gudaha qunsuliyada uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.
Ankara ayaa Sacuudiga cadaadis ku saartay dilkaas, waxaana markii dambe hoos u dhacay xiriirka ganacsi ee labada dal kadib markii aan si rasmi ahayn ay magaalooyinka Boqortooyada u dhimeen iibsiga alaabta lagu sameeyo Turkiga.
Labada dal ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u wanaajin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya.
Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa todobaadkii hore shaaciyay in Ankara ay dib u soo celisay xiriirka diblomaasi ee ay la lahayd Masar, oo ay xulafo dhaw yihiin Sacuudiga.
Turkiga iyo Masar ayaa kala taageersan dhinacyada isku haya colaadda Liibiya. Qaahira ayaa sidoo kale heshiis dhanka badda ah la saxiixatay Giriigga, taas oo ka caraysiiyay xukuumadda Ankara.
Diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn ee uu sameeyay Turkiga ayaa guulo muuqda ka soo hoyay furimaha dagaalka ee Nagorno-Karabakh, Liibiya iyo Suuriya.
Diyaaradahaas ayaa aad ugu soo caan-baxeen colaaddii Nagorno-Karabakh ee u dhexaysay Azerbaijan iyo Armenia, iyagoo la sheegay inay u sahleen ciidamada Azerbaijan inay yeeshaan gacanta sare.
Dalalka kale ee iibsaday diyaaradaha drones-ka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar TB2 ayaa waxaa kamid ah Qatar iyo Ukraine.
Shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Baykar, ahna tan samaysa diyaaradaha drones-ka ayaa sanadkii 2020 iibkeeda dibedda ka macaashtay 360 milyan oo dollar, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah.
Faallo ka bixi