Mogadishu - Somalia
Saturday, March 15, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan

Tuesday March 16, 2021 - 22:07:46
0 Faallo
563
Super Admin
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo aan heshiis laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac diirada lagu saaray dadaalada Beesha Caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17-kii September 2020 ee Muqdisho iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo.

Madaxweyne Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, xili weli uusan Caasimaadda soo gaarin Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoona degan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana sidoo kale Magaalada jooga Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii uu u qabsoomida lahaa Shir la filayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku yeeshaan Teendhada Afisyooni, kaasi oo lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi

Update cookies preferences