Kulankan ayuu Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ugaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.
"Waxaan kulan la qaatey maanta M/weynayaasha Puntland iyo Jubaland oo aan ka wada hadalnay sida xal looga gaari karo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii Dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyagoo la dejiyay xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aamini karin goob kale oo Muqdisho ka tirsan shaki ay ka qabaan ciidamada DF awgeed.
Faallo ka bixi